Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Dagaal Habeenkii Labaad Caawa ka Dhacay Degmada Guriceel
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:317
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:143
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:116
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:455
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jun 29 2008
Dagaal Habeenkii Labaad Caawa ka Dhacay Degmada Guriceel
Written by Ali Moallim   
Sunday, 29 June 2008

Guriceel, (insidesomalia.org) - Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya  oo shalay gaaray Degmada Guriceel iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa waxaa uu kadhacay Magaalada Guroceel ee Gobolka galgaduud.

Dagaalkan oo ahaa mid xooggan oo ay labada dhinac isugu adeegsadeen Madaafiic iyo rasaas yar yar ayaa waxaa uu soconayey mudo dhoor sacadood ah.

Lama oga ilaa iyo haatan khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaana taasi sabab u ah iyadoo Degmada Guriceel ay dadkii deganaa badankood ka barakaceen, kadib markii uu xalay dagaal ka dhacay Degmada.

Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Itoobiya ay maanta isku dayeen in ay wada hadal la yeesheen Odayaasha Degmada, hayeeshee ay taasi u suurtageli weysay kagadaal markii ay waayeen Odayaal ay la kulmaan.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee fariisinka ka sameystay halka laga galo Degmada Guriceel marka laga tago dhinaca Degmada Matabaan ayaa waxay markoodii hore ka tageen Magaalada Beledweyne iyo Deegaanka Kala-beyr, lamana oga ilaa iyo haatan ujeedada ka dambeysa socdaalka ay ku tageen Degmada Guriceel.

Dadkii ku dhaqnaa Degmada Guriceel oo isugu jiray kuwo horay u deganaa Degmada iyo kuwo ka cararay Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay u barakaceen dhulka baadiyaha ah ee u dhow Degmada, halka kuwo kale oo Gaadiid heli karayna ay u jiheysteen dhinaca Degmada Dhuusamareeb ee xarunta u ah Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee tegay Degmada Guriceel ayaa waxaa cambaareeyay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, wuxuuna Afhayeenka Dhaqanka ee Golahaas  Axmed Diiriye Cali uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Guriceel tegay ay ujeedadoodu tahay in ay  barakiciyaan Dad degan oo aan wax dhibaato ah qabin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Ciidamadaas ay yihiin kuwo ujeeddo gaar ah leh oo aan dooneynin in xal loo heli mushkiladda Soomaaliya, waayo ayuu yiri wuxuu tegi taankooda Guriceel ku soo beegmaysaa, iyadoo dhawaanahan ay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka wadeen Dib u heshiisiin xal loogu raadinayo Mushaakilaadka  waqrigoodi dheeraadey ee Soomaaliya.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >